Nagu saabsan

Waxaan nahay Reer Maine oo isku duuban oo khibrad u leh abaabulka, joornaaliistayaasha, iyo dhisidda dhaqdhaqaaqa isbedel doonka. Waqtigan dhibtu taagantahay, Maine People’s Alliance waxay go'aansadeen inay u hibeeyan dhammaan awoodeena si loo taageero dadaalada ku saleysan bulshada si looga jawaabo dhibaatada uu sababay masiibada COVID-19 iyo sidii loo ilaalin lahaa bulshada inta ugu nugul iyo deriskeena.

Waxaan bilownay lacag dhan $ 25,000 in aan ku bilowno sanduuqan oo loogu talagalay kaalmada bulshada oo aan rajeynayno inaad naga caawin karto kobcintiisa waxaanan dhammaanteen nafteena u hibeyneynaa sidii aan u caawin lahayn dadka Maine inay is caawiyaan. Haddii aad is qorto mid ka mid ah qodobada kor ku yaal boggan ee tilmaamaya waxqabadka diyaarka ah, qabanqaabiye ka socda MPA, ama wariye ka socda Beacon ayaa kula soo xiriiri doona sida ugu dhaqsaha badan, si ay ula wadaagaan macluumaadka, isla markaana hubiyaan in cawimaadku gaadho meeshii looga baahdo.